Home Habka-Nolosha Sidee ayay Jabaan dooneysaa in loo qoro magacyada dadkeeda?

Sidee ayay Jabaan dooneysaa in loo qoro magacyada dadkeeda?

0

Himilo – Jabaan ayaa dooneysa inay beddasho qaabka magacyada dadkeeda loogu qoro afka Ingiriiska oo khilaafsan habka afkeeda gaarka ah.

Dowladda ayaa ka shaqeynaysa in magaca qoyska la soo hormariyo kahor inta aan la qorin magaca qofka, waana habka loogu qoro afkeeda gaarka ah.

Xilligan, marka magacyada dadka reer Jabaan lagu qorayo afka Ingiiriiska, waxaa la soo hormariyaa magaca qofka taasi oo kahor imaaneysaa habka loogu qoro Afka Jabaan.

Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in wasiirka waxbarashada Masahiko Shibayama in uu soo jeediyay hindise wax ka beddal ah oo loo gudbiyay golaha wasiirada kuna saabsanhabka qorista magacyada Jabaan ee Afka Ingiriiska.

“Waxaa wanaagsan in la raaco hab-dhaqameedka loo qoro magacyada reer Jabaan,” ayuu yiri Masahiko oo ay soo xiganeyso wakaalada Kyodo News.

Afka Jabaan, marka la qorayo magacyada waxaa soo horreeya magaca qoyska halka uu danbeeyo magaca qofka si lamid ah afafka Shiinaha iyo Kuuriyada laakiin dadka reer Jabaan ayaa raacay hab-dhaqanka reer galbeedka ee ah in magaca qofka laga bilaabo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version