Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dhaqaale Sidee ayuu Sid Sijbrandij u sameeyay ganacsi online ah oo ku fadhiya...

Sidee ayuu Sid Sijbrandij u sameeyay ganacsi online ah oo ku fadhiya $1 Bilyan?

0

Himilo – Sid Sijbrandij ayaa inyar ka garanaya sida loo dhiso shirkadaha hase ahaatee waxay shirkad uu leeyahay sameysay faa’iido dhan 100 Milyan oo doolar iyadoo ku fadhisa qiimo lacageed ka badan $1 Bilyan.

Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa Netherlands, Mr Sid Sijbrandiij ayaa aas’aasay shirkad ka shaqeysa sameynta boggaga Internet-ka caalamka oo dhan. Ma aha shirkadii ugu horreysay ee uu bilaabo.

Wareysi uu siiyay DealMakers podcast, waxa uu ka hadlay safarkiisa hal-abuurka, hannaankii uu ku helay 700 qofood oo la shaqeysa iyo sida uu ku sameeyay faa’iidada lacageed ee la taaban karo.

Ninka dhallinyarada ah ayaa u muuqda mid hibbo u leh fursadaha ganacsiga ee guuleysta. Waxa uu bartay Physics-ka iyo maamulka seyniska.

Sannadkii ugu horreeyay ee waxbarashadiisa jaamacadda, waxa uu sameystay shirkadiisii ugu horreysay sida ay qortay Forbes.

Mar uu ka hadayay sababta ugu weyn ee guushiisa waxa uu ku sheegay inay tahay ka faaa’iideysiga fursadda taagan.

Waxa uu intaa raaciyay jaceylka ama xiisaha qofka uu u qabo korriimada shirkadiisa oo uu tilmaamay inay fure u tahay horumar kasta oo la hiigsanayo.

Shaqaale ku aragti ah milkiilaha ama aas’aasaha ayuu xusay inay kaalin weyn ku leeyihiin dhaqaaaqa shirkada xilli kasta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version