Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Signjet oo guul ay ka gaartay Horseed uga soo baxday boosaska heerka...

Signjet oo guul ay ka gaartay Horseed uga soo baxday boosaska heerka hoose loogu laabto + Sawirro

1

Kooxda kubadda cagta Signjet ayaa guul taariikhi aheyd ka gaartay dhigeeda Horseed kulan cayaareed ka dhacay gegada Banaadir Stadium.

Liibaan Mukhtaar Xasan ayaa hogaanka u dhiibay Signjet daqiiqaddii 26aad ee qeybtii hore, goolkaa ayaana nasiinada lagu kala aaday.

Qeybtii labaad hogaanka ayay sii dheereysatay Signjet markii daqiiqaddii 68aad uu goolka labaad u dhaliyay wiilka lanbarka 10aad u xirta Saadaq nuur Geelle oo nasiib darro kaddib shan daqiiqo goolkiisa loo taagay kaarka cas.

Cali Cadde Axmed ayaase goolka calanka u dhaliyay Horseed daqiiqaddii 75aad markii Maxamed Nuur Muxidiin oo cayaarta dhexdhexaadinayay uu gool ku laad u dhigay.

Signjet ayaa gaartay guusheedii saddexaad ee xagaagan, si ay uga soo baxdo heerka hoose.
Booska siddeedaad ayay timid iminka iyadoo dhibic ka horeysa kooxda ka hooseysa Saxafi oo toddobaadkan barbaro la gashay Heegan, xilli keliya labo kulan ay ka harsan tahay dheesha horyaalka.
1

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version