Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Solskjaer “Pogba halkan ayuu ahaanayaa.”

Solskjaer “Pogba halkan ayuu ahaanayaa.”

0

Himilo FM –Ole Gunnar Solskjaer ayaa qiray in Paul Pogba uu qeyb weyn ka yahay kooxda Manchester United xilli xiddiga Faransiiska dhawaan lala xiriirinayay Real Madrid.

Pogba ayaa Madrid ku tilmaamay koox riyeed intii uu ku sugnaa waajibaadka caalamiga ah, waxaana uu si gaar ah u tixgeliyay macallinka Los Blancos Zinedine Zidane, kaasi  oo toddobaadkan  sheegay in uu jecel yahay xiddiga khadka dhexe “wax badan”

Solskjaer ayaa wax laga weydiiyay Pogba shirkiisa jaraa’id ee Isniintii isagoo yiri “Ma jecli inaan ka hadlo ciyaartoyda kale ee kooxaha laakiin tani waa caqabad kale oo ka baxsan fasaxyada caalamiga ah.”

Waxa uu intaa raaciyay “Pogba wuxuu ku faraxsan yahay halkan, wuxuu ahaan doonaa qeyb weyn oo innaga mid ah.”

Solskjaer ayaa Isbuucii lasoo dhaafay noqday tababaraha joogtada ah ee United muddo seddex sanno ah ayuu kooxda mamuli doona.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version