Home Macluumaad Soomaaliya iyo UK oo ku heshiiyay  dib-u-habaynta dhaqaalaha

Soomaaliya iyo UK oo ku heshiiyay  dib-u-habaynta dhaqaalaha

0

Himilo – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK, kaas oo diiradda lagu saaray mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya, dib-u-habaynta maaliyadeed iyo fursadaha maalgelinta horumarinta dalka.

Kulanka ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya wasiirka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Faysal Maxamed Xaashi, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Hodan Osman.

Dhinaca Dowladda UK waxaa kulanka ka qeybgalay Ku-xigeenka Madaxa Dhaqaalaha ee Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO), Ranil Dissanayake, iyo Ku-xigeenka Agaasimaha, Rurik Marsden.

Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-habaynta dhaqaalaha, maalgelinta mashaariicda horumarinta, kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo sidii Soomaaliya ula qabsan lahayd saameynta isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo kordhinta dakhliga gudaha, iyadoo la xoojinayo nidaamka maaliyadda iyo awoodda hay’adaha dowladda.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu xusay caqabadaha dhaqaale iyo bani’aadannimo ee Soomaaliya wajahaysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaaraha, saameynta isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha Bariga Dhexe.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo UK, gaar ahaan dhinacyada dib-u-habaynta maaliyadda, maalgelinta horumarinta iyo abuurista fursado koboc dhaqaale oo waara.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version