Himilo – Ugu yaraan 2 milyan oo qof oo ka mid ah 5 milyan oo Suudaani ah oo ka barakacay guryahooda magaalada Khartuum ayaa dib ugu soo laabtay deegaannadooda, kaddib guul militari oo ciidamada dowladda ay ka gaareen xoogagga Gurmadka Degdegga ah (RSF).
Nolosha ayaa si tartiib ah uga soo kabanaysa Khartuum iyo magaalooyin kale, hase yeeshee bartamaha caasimadda ayaa weli ah meel burbur badan ka muuqdo, iyadoo suuqyo, xarumo ganacsi iyo xaafado hore u firfircoonaa ay noqdeen goobo cidlo ah.
Kaabayaasha magaalada ayaa si weyn u burburay; korontadu si joogto ah ayey u go’daa, biyo yaraantuna waxay noqotay dhibaato maalinle ah. Inkasta oo dad badan ay ku faraxsan yihiin inay dib u arkaan magaaladooda kaddib sannado colaado ah, haddana adeegyada aasaasiga ah weli ma soo noqon, dhismayaashuna way dhaawacan yihiin, shaqaale badanna mushahaar ma helaan.
Qaar ka mid ah dadka soo laabtay ayaa sheegay inay kusoo noqdeen xaalad khasab ah, iyagoo ka cararay cadaadis lagu hayo qaxootiga Suudaan ee ku sugan Masar.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wax ka yar 80,000 oo qof ay dib ugu soo laabteen bartamaha Khartuum. Booqasho kooban oo magaalada lagu sameeyo ayaa muujinaysa raadadka dagaalladii waddooyinka ku dhex maray ciidamada RSF iyo kuwa dowladda, kuwaas oo billowday bishii Abriil 2023, kadibna mar kale xoogaystay markii ciidamadu dib ula wareegeen qaybo ka mid ah caasimadda.
