Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Taariiqda lacagta iyo heerarkeeda

Taariiqda lacagta iyo heerarkeeda

0

Himilo – Lacag waxaa lagu qeexaa dhex-dhaxaadiyaha wax kala beddelashadda, sidoo kale waxaa lagu qeexi karaa cabbirka wax lagu qiimeeyo. Ahmed khawanky  ku taqasusay dhaqaalaha iyo maaliyadda ayaa aaminsan inay lacagtu tahay mid kamid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee daah-qaaday ilbaxnimada bini’aadamka.

Waayadii hore inta aan la aqoon lacagta, dadku waxay wax kula beddelan jireen badeecadda iyadoo qolo walba ay wax ku beddelaneyso waxa ay dooneyso (barter), Sida ka muuqata magaceeda ‘Lacag’ waa waxa keliya ee la qiimo ah wax weliba oo dunida yaal ‘lacag  macnaheedu  waa ‘la’eg’.

Sida uu qorayo buugga The History of Currency markii ugu horreysay ee lacagta la isticmaalo waxay aheyd 10,000 oo sano ka hor balse arrintaa kama dhigna in lacagta warqada ah la isticmaalayay.

Kahor inta aysan soo bixin lacagta warqada ah iyo midka kale ee shillinka ah dadku waxay isticmaali jireen hannaan ay isku af-garteen oo ah in alaabta laysku beddesho tusaale dadka beeraleyda waxay suuqa la’imaan jireen waxyaabaha beerahooda ka soo go’a si ay ugu beddeshaan sokorta, dharka ama waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, xoolaleyduna sidaa oo kale waxay ay haystaan ayay  suuqa  keeni jireen si ay ugu beddeshaan waxa ay u baahanyihiin.

Isticmaalka lacagta Africa wuxuu soo gaaray xilli hore gaar ahaan Soomaaliya sida ku cad gabayga abwaankii weynaa ee Ismaaciil Mire oo darwiish ahaa. Xilli uu Burco xoolo u soo safriyey ayay qoladii daLlaaleyda ahaa dhaceyn markaas oo uu tiriyey gabay tuducydiisu ka mid yihiin.

  • Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto
  • iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede
  • Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye
  • Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
  • mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline

Halkaas waxaa ka muuqda in uu Abwaan Ismaaciil Mire oo dhashay 1882-kii uusan aqoon isticmaalka lacagta xiligaana ay ku cusbeyd. Haatan waxaa inta badan caalamka laga isticmaalaa lacagta loo yaqaano Mobile Money taa oo fududeysay isdhaxgalka bulshooyinka iyo ka dhaqdhaqaaqa suuqyada. Lagacta Mobile Money-ka waxaa la rumeysan yahay inay soo bilaabatay sanadkii 2000.

W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version