Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Thailand: Tuug ku dhex hurday guri uu u soo galay inuu dhaco

Thailand: Tuug ku dhex hurday guri uu u soo galay inuu dhaco

0

Himilo – Tuug ayaa jebsaday guri, Xilligii uu ku jiray hawsha xatooyada ayuu lulmooday kadib mid ka mid  sariirihii dhex yaalay guriga ayuu hurdo kula dhacay.

Dhacdadan waxay ka dhacday Thailand. Dadka degaanka Phetchabun ayaa ku soo toosay ninka oo mid ka mid guryaha degaan dhex jiifa. Waxaa la ogaaday inuu wax dhicid u soo galay aqalka.

Tuugga ayaa la sheegay inuu aad u daalanaa oo uu go’aansaday inuu waxyar iska indho guduudsado kadibna uu  kaco balse hurdadii ayaa la tagtay oo waa lagu soo toosay.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in guriga uu jabsaday tuuggu uu degganaa nin Boliis ah. Athit Kin Khunthud oo ah eedeysanaha wuxuu hadda ku jiraa xabsi, waxaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version