Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Thiago Silva oo heshiis kordhin u sameynaya kooxda Chelsea

Thiago Silva oo heshiis kordhin u sameynaya kooxda Chelsea

0

Himilo – Thiago Silva ayaa lagu soo waramayaa inuu sii joogi doono Chelsea ugu yaraan xilli ciyaareed kale madaama labada dhinac ay ku heshiiyeen in qandaraaska la kordhiyo.

Halyeeygan daafaca dhexe, oo 37 jirsan doona dabayaaqadda sannadkaan, ayaa si bilaash ah ugu biiray Blues isagoo uga yimid Paris Saint-Germain bishii Ogoosto 2020.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, wadahadallo ayaa dhex maray ciyaaryahanka reer Brazil iyo Chelsea kaasi oo ku saabsan sidii loo sii dheereyn lahaa joogitaankiisa Stamford Bridge.

Romano ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalada lala gelayo N’Golo Kante iyo Jorginho oo ku saabsan heshiis cusub ay dhawaan bilaabi doonaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version