Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Toddobo ruux oo u geeriyootay kaddib markii ay ku mashquuleen iska qaadista...

Toddobo ruux oo u geeriyootay kaddib markii ay ku mashquuleen iska qaadista sawiradda Selfie

0
Ganges river shore with wooden boats and iron bridge.

Dhowaan waxaan idiin soo bandhignay gooro aanay habooneyn in la iska qaado sawirada Selfie oo dadku ay isa sawiraan iyagoo qaarkood jooga meelo halis ah.

Maanta booliska degmada  Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh ee dhaca Waqooyiga dalka Hindiya ayaa baahiyay in toddobo ruux ay ku geeriyoodeen iyagoo ku mashquulsanaa iska qaadista sawirada gacanta ee Selfie.

Arrinta ayaa timid markii mid kamid ah toddobada ruux oo ku dabaalanayay webiga Ganga uu damcay inuu iska qaado sawir, hayeeshee uu lumiyay isu dheeli tirnaantii jirkiisa uuna ku maashooday webiga, xilli saaxiibadii ay ku wada hafteen biyaha iyagoo loolan ugu jiray in saaxiibkood ay badbaadiyaan, dhammaantoodna way ku geeriyoodeen hafashada biyaha awgeed.

Horaantii sanadkan maamulka magaaladda Mombai ee dalkaasi Hindiya ayaa soo saaray 16 goob oo halis badan oo mamnuuc ay tahay in dadku ay isaga qaadaan sawirada Selfie, iyadoo looga gol lahaa badbaadada nafta.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version