Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Tottenham Hotspur oo dooneysa Thomas Meunier

Tottenham Hotspur oo dooneysa Thomas Meunier

0

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso saxiixa daafaca kooxda PSG Thomas Meunier.

Kaddib markii uu muddo afar sanno ah joogay Parc des Princes, cayaaryahanka daafaca ah ayaa qorsheynaya in uu ka tago kooxda heysata horyaalka Faransiiska suuq furanka xagaaga.

Kooxda Ingiriiska ee Tottenham ayaa si weyn loola xiriiriyay laacibka 28 jirka.

 Sida laga soo xigtay The Express, waxaa socda wadahadallo labada dhinca ah oo ku saabsan heshiiska Meunier.

 Meunier ayaa dhaliyay 21 gool oo horyaalka iyo Champions League xilli cayaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version