Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Tottenham Hotspur oo shaqada ka ceyrisay Jose Mourinho

Tottenham Hotspur oo shaqada ka ceyrisay Jose Mourinho

0

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa shaqada ka ceyrisay hoggaamiye Jose Mourinho, kaasi oo muddooyinkii danbe wajahayay caqabad dhanka guulaha ah.

Ku dhawaaqista ayaa timid lix maalin uun kahor kulanka ay Spurs wajihi doonto Manchester City finalka EFL Cup taasi oo suuragal ka dhigi karta ku guuleysiga koob oo ay ugu danbeysay sannadkii 2008.

Jose Mourinho ayaa shaqada kooxda Tottenham qabtay bishii November 2019 isaga oo tan iyo xilligaasi guuleystay 44 jeer, 19 barbaro halka uu qasaaray 23 jeer markii uu ciyaaray 86 kulan.

Tababaraha RB Leipzig ninka lagu magacaabo Julian Nagelsmann ayay u badan tahay in uu noqon doono hoggaamiyaha xiga ee Tottenham Hotspur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version