Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Wararka U.S. oo Looga Doodayo in Iran ay Bixiso $2-Bilyan oo Magdhow ah

U.S. oo Looga Doodayo in Iran ay Bixiso $2-Bilyan oo Magdhow ah

0

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa qabatay su’aal xasaasi ah oo la xariirta haddii ay Iraan bixineyso iyo in kale ku dhawaad laba bilyan oo dollarka Mareykanka ah oo magdhow ahaan loo siinaayo qoysaska dhibbanayaal ku dhintay weeraro la sheegay in ay geysteen ururka Xisbullaah oo ay Iiraan taageerto, muddo hadda laga joogo ku dhawaad 33 sano.

Qoysaska waxa ku jira ehallada 241 qof oo Mareykan ah, kuwaas oo ahaa askar, badbaaxiyaal iyo ciidamada badda ee Mareykanka oo lagu dilay weerar is miidaamin ah xarun mileteri oo ay ciidamadu ku lahaayeen magaalada Beyruud, Lubnaan, October 1983.

Mareykanka ayaa sheegay in Xisbullaah ay werarkaasi ka dambeysay.

Qarreenno kala matalaya labada dhinac ayaa Arbacadii shalay u gudbiyay dooddooda maxkamadda sare ee Mareykanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version