Dowladda Uganda ayaa si mabda’ ah u oggolaatay inay ciidamo ku biiriso Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta Gaza (ISF), kadib codsi uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, u gudbiyay Madaxweyne Yoweri Museveni.
Warbaahinta dowladda Uganda ayaa sheegtay in qorshuhu yahay in ciidankan caalamiga ahi ka shaqeeyo sugidda amniga, ilaalinta shacabka, fududeynta gargaarka bini’aadannimo iyo dib u dhiska Gaza. Qorshahan ayaa qayb ka ah hindise uu hoggaaminayo Mareykanka, kaas oo lagu sheegay inuu ku saleysan yahay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay dabayaaqadii 2025.
Inkasta oo Museveni uu muujiyay taageero, haddana ciidamada Uganda weli ma shaacin tirada askarta la diri doono, waajibaadkooda ama waqtiga ay baxayaan. Afhayeenka ciidamada, ayaa sheegay in la sugayo awaamiirta rasmiga ah ee madaxweynaha, isagoo xusay in Uganda ay khibrad u leedahay hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, Suudaan, DR Congo iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.
Uganda ayaa ku biiri doonta dalal ay ka mid yihiin Morocco, Kazakhstan, Kosovo iyo Albania, kuwaas oo ballanqaaday inay ciidamo u dirayaan Gaza, halka Indonesia ay hakisay qorshaheedii sababo la xiriira xaaladda amni iyo hufnaan la’aanta qorshaha.
