Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Unai Emery oo sheegay in Ozil uu kooxda mustaqbal ku leeyahay

Unai Emery oo sheegay in Ozil uu kooxda mustaqbal ku leeyahay

0

Himilo FM – Tababaraha Gunners-ka Unai Emery ayaa aaminsan in Mesut Ozil uu mustaqbal ku leeyahay Arsenal laakiin ma uusan xukumin in laacibkan uu ka dhaqaaqi karo waqooyiga London kaddib markii uu ku adkeystay laacibka reer Jarmal in aan la siin dawooyin gaar ah sabab lagu sheegay in uu yahay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda.

Laacibkaan waxa uu dheelay 14 kulan dhammaan tartamada,waxa uu dhaliyay afar gool isaga oo sidoo kale caawin sameeyay laba jeer.

Waxa uu seegay afar kulan oo uu ku maqnaa dhibaato dhabarka ah laakiin waxa uu ku billowday keliya hal mar tan iyo 11-kii November , taasina waxay aheyd koobkii Europa League oo ay guusha ka gaareen kooxda Qarabag.

30-jirkan ayaa kamid ahaa safkii ugu wanaagsanaa kooxda ee tababare Arsene Wenger laakiin Emery ayaa muujiyay in uusan wax dhibaato ah u qabin inuu Ozil ka maqnaado kooxda.

“Mesut Ozil ciyaar xummidiisa ayaa keentay in uu kamid noqdo wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga.” inkastoo markii la weydiiyay haddii xiddigii hore ee xulka Jarmalka uu mustaqbal ku leeyahay Arsenal uu Emery ku jawaabay: “Haa, maxaa diidaya.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version