Himilo – Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in carruurta Suudaan ay ku nool yihiin wareeg aan dhammaad lahayn oo rabshado, barakac iyo nolol adag ah, iyadoo in ka badan 300 carruur ah lagu dilay ama lagu dhaawacay lixdii bilood ee la soo dhaafay, badankoodna ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Wakiilka UNICEF ee Suudaan ayaa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay u sheegay in dagaalka u dhexeeya Ciidamada Suudaan iyo RSF, oo billowday Abriil 2023, uu hadda si weyn uga socdo gobollada Kordofan, Darfur iyo Blue Nile, iyadoo weerarrada drones-ka ay sabab u yihiin ku dhowaad 60% khasaaraha shacabka.
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan shacabka iyo kaabeyaasha rayidka, fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo, isla markaana qaadaan tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo carruurta.
Golaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sidoo kale meel mariyay qaraar cambaareynaya rabshadaha sii kordhaya ee RSF iyo xulafadeeda ay ka wadaan magaalada El-Obeid, golaha aya ku baaqay in la kordhiyo taageerada dalalka qaabilaya qaxootiga Suudaan, isla markaana la joojiyo faragelinta dibadda ee colaadda.
Dagaalka Suudaan ayaa ilaa hadda sababay dhimashada ugu yaraan 59,000 qof, barakaca ku dhowaad 13 milyan, halka qaybo badan oo dalka ah laga diiwaan galiyay macaluul. In ka badan 30 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo, iyadoo duqeymaha iyo madaafiicdu ay burburiyeen kaabayaashii nolosha, taasoo halis gelisay nolosha in ka badan 500,000 qof.
