Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Victor Lindelof “Aad ayaan ugu faraxsanahay Man United”

Victor Lindelof “Aad ayaan ugu faraxsanahay Man United”

0

Himilo – Daafaca Manchester United Victor Lindelof ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay inuu sii joogo kooxda Premier League.

24 jirkan ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford iyadoo Barcelona ay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka ayaa beeniyay wararka la isla dhexmarayay wuxuuna yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqdo ciyaaryahan Manchester United ah, runtii waxaan eegayaa xilli ciyaareedkan.”

Tababaraha Red Devils Ole Gunnar Solskjaer ayaa durbadiiba xoojiyay daafaciisa isagoo la yimid Aaron Wan-Bissaka, waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Leicester City iyo England daafaca dambeedka dhexe Harry Maguire.

Lindelof ayaa haatan ku jira xulka United ee safarkooda isku diyaarinta xili ciyaareedka ku qaadanaya  Australia, waxaana la filayaa inuu la ciyaaro Leeds United kulanka berri.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version