Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Vieira, Partey, Jesus – Xogta Xiddigaha Ka Dhaawacan Arsenal Ka Hor Ciyaarta...

Vieira, Partey, Jesus – Xogta Xiddigaha Ka Dhaawacan Arsenal Ka Hor Ciyaarta Burnley Ee Galabta

0

Mikel Arteta ayaa rajaynaya inuu dib usoo dhoweyn doono tiro xiddigo ka maqnaa Arsenal ka hor ciyaarta maanta ee horyaalka Premier League ee Burnley, iyadoo ciyaartooyo dhawr ahaa ay dib ugu soo laabteen.

Gunners oo lix dhibcood iyo sagaal gool heshay labadii ciyaarood ee Liverpool iyo West Ham, ayaa waxa ay maanta marti u noqonaysaa Burnley, iyadoo ay dib ugu soo laabanayaan Emile Smith Rowe iyo Takehiro Tomiyasu oo si lama filaan ah uga maqnaaday ciyaartii usbuucii hore ee London Stadium ee West Ham ay xasuuqa usoo geysteen. Waxa kale oo beddel aan la isticmaalin ahaa Jorginho oo dhaawac fudud uu soo aadhay, halka Thomas Partey iyo Gabriel Jesus ay iyaguna garoomada ka maqnaayeen in muddo ah, gaar ahaan Jesus oo kulamadii Liverpool iyo West Ham u jiifay dhaawac.

Saxeexa cusub ee Jurrien Timber oo muddo dheer ka maqnaa kooxda ayaan wali usoo dhoweyn, laakiin Takheiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko iyo Fabio Vieira ayaa dhamaantood taam u noqday kulanka Burnley.

Fabio Vieira: Ciyaarta Porto ee Arbacada February 21 ayuu soo noqonayaa

Takehiro Tomiyasu: Ciyaarta Burnley ayuu soo noqonayaa

Jorginho: Ciyaarta Burnley ayuu soo noqonayaa

Thomas Partey: Bisha March ayuu soo noqonayaa

Oleksandr Zinchenko: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Gabriel Jesus: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Emile Smith Rowe: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

Jurrien Timber: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version