Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Villarreal oo ku hawlan inay lasoo saxiixato weeraryahanka Watford Emmanuel Dennis?

Villarreal oo ku hawlan inay lasoo saxiixato weeraryahanka Watford Emmanuel Dennis?

0

Himilo – Villarreal ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka Watford ee Emmanuel Dennis dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida lagu sheegay warbixin.

24 jirkaan ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sareeya Hornets Premier League isagoo dhaliyay sagaal gool, 27 kulan oo uu saftay kooxdiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa sidoo kale shan caawin ku sameeyay magaciisa, laakiin waxaa la filayaa inuu ka tago Vicarage Road.

Sida laga soo xigtay The Sun, Villarreal ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka suuqa kala iibsiga ee soo socda iyadoo 25 milyan ginni ay u diyaarisay Hornets-ka.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version