Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Waa kee da ‘yarka ay Chelsea iyo Man City xiriirka la sameeyeen?

Waa kee da ‘yarka ay Chelsea iyo Man City xiriirka la sameeyeen?

0

Himilo – Chelsea iyo Manchester City ayaa xiriir la sameeyeen wakiilada ciyaaryahanka khadka dhexe ee Palmeiras Patrick de Paula.

21 jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed wanaagsan kooxda reer Brazil intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2020 Serie A, isagoo diiwaangeliyay seddex gool iyo hal caawin 27 kulan oo uu saftay horyaalka.

Man City ayaa horay loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso De Paula, halka kooxaha awooda ku leh Bundesliga ee Borussia Dortmund loo maleynayo inay il gaar ah ku hayaan xaaladiisa.

Haatan, Sport Witness ayaa ku warameysa in Man City iyo Chelsea labaduba ay xiriir la sameeyeen kuwa ku dhow De Paula si ay ula wareegaan xagaaga.

Qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Palmeiras ma dhacayo illaa bisha Decembar 2024, laakiin kooxda Koofurta Ameerika ayaa loo maleynayaa inay dul dhigtay madaxiisa €25m (£ 21.5m)

De Paula ayaa durbaba la qaaday Palmeiras hal Copa do Brasil iyo hal Copa Libertadores, waxaana uu leeyahay wadar ahaan lix gool iyo hal caawin 59 kulan oo uu kooxda u saftay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version