Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Waa kuma siyaasiga ugu dheer caalamka?

Waa kuma siyaasiga ugu dheer caalamka?

0

Himilo FM –Xubin katirsan golaha magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ayaa loo aqoonsaday siyaasiga ugu dheer caalamka iyadoo dhiririkiisu yahay 208 Sentimitir oo u dhiganta 2.08 Mitir.

Robert Cornegy ayaa lagu sharfay xaflad ka dhacday xarunta magaalada Newyork kaddib markii shahaado rasmi ah uu ka helay hay’adda Guiness World Records oo u aqoonsatay siyaasiga ugu dheer dunida.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka AP, Mr Robert ayaa sheegay in uu codsaday aqoonsiga hay’adda markii qof saaxiib la ah uu kula kaftamay inuu noqon karo siyaasiga ugu dheer caalamka.

Ciyaaryahankii hore ee kubadda gacanta ayaa intaa raaciyay in dhirirka xad dhaafka ah uu leeyahay caqabadihiisa gaarka ah sida marka qofka uu doonayo inuu iibsado dharka iyo kabaha.

Rikoorka siyaasiga ugu dheer caalamka waxaa heystay xubin katirsan baarlamaanka Ingiriiska oo dhirirkiisu ahaa 202 Sentimitir, waxa uu dhintay sannadkii 1979-kii.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version