Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Waa kuma qofka bedelaya Jose Mourinho?

Waa kuma qofka bedelaya Jose Mourinho?

0

Himilo FM – Taageerayaasha Man Utd ayaa sheegaya in Nicky Butt uu bedeli doono Jose Mourinho kaddib markii tababaraha reer Portugal laga ceyriyay kooxda. xiddigaha ay da’dooda ka hooseyso 19-jirada ayaa guul muhiim ah ka gaaray naadiga Valencia,taasi ayeyna jamaahirtu u aqoonsadeen.

Red Devils ayaa guuldarro 3-1 ah kala kulantay kooxda Liverpool maalinimadii axadda,naadiga ayaana hadda waxa ay Liverpool oo hoggaanka u heysa horyaalka ay ka danbeeyaan 19 dhibcood.

Da’yarta uu hoggaamiyo Nicky Butt ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed sarreeya kulankii dhalinyarada oo ay la ciyaareen Valencia.

United waxay u aaminsan tahay in uu soo bandhigay qaab ciyaareed sarreeya,waxa uuna 43 jirkaan u qalmaa  bedelka  shaqada Mourinho.

“Yaa filaya Nicky Butt in uu maamulo kooxda” mid kamid ah taageeraysha ayaa yiri

Mid kale ayaa faallo ka bixiyay: “Tababaraha xiga ee Man United – Nicky Butt.”

Halka shaqsiga seddexaad uu yiri: “midkan ayaa ku fiican kooxda koowaad.”Mourinho hadda ayuu baxay.”

Tani waxay imaaneysaa iyadoo guddiga United ay go’aan ka gaareen mustaqbalka tababaraha reer Portugal,kooxdana ay ka ceyriyeen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version