Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dhaqaale Waa maxay dhalashada labaad oo ay heysato haweenayda ugu lacagta badan Afrika?

Waa maxay dhalashada labaad oo ay heysato haweenayda ugu lacagta badan Afrika?

0

Himilo – Haweenayda ugu taajirsan qaaradda Afrika Isabel dos Santos ayaa shaacisay inay heysato dhalashada dalka Ruushka oo ay qaadatay markii ay dhalatay.

Gabadha uu dhalay madaxweynihii hore ee Angola José Eduardo dos Santos ayaa wareysi ku sheegtay inay tahay qof u dhashay Ruushka.

“Waxaan ahay qof Russian ah, dib uma aanan qaadan waayo mar kasta waan heystay,” ayay tiri Isabel dos Santos.

Haweenayda ugu lacagta badan Afrika ayaa ku dhalatay magaalada Baku ee caasimadda u ah Azerbaijan sannadkii 1973-dii. Xilligaasi Aabahayd waxa uu aha halgamaa reer Angola ah halka hooyadeed ka soo jeedo asal ahaan Ruushka.

Waxay maamushaa shirkadda shidaalka ee Sonango. Iyada iyo saygeeda oo ganacsade ah ayaa ku nool Dubai. Sida muuqata, ma qorsheynayso inay ku laabato Angola.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version