Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Wadahadalkii Napoli iyo Fabian Ruiz oo burburay

Wadahadalkii Napoli iyo Fabian Ruiz oo burburay

0

Himilo – Wadahadaladii heshiis kordhinta ee u dhaxeeyay Napoli iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Fabian Ruiz ayaa lagu soo waramayaa inay burbureen.

25 jirkaan ayaa u arka in heshiiskiisa uu dhacayo xagaaga 2023 walina uusan mustaqbalkiisa u hibeyn kooxda heysata horyaalka Talyaaniga.

Sida laga soo xigtay Calcio Mercato, wada-hadalladii u dhexeeyay ciyaaryahanka iyo kooxda ayaa la hakiyay iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin muddo kordhinta.

Warbixinada qaar ayaa sheegaya in ciyaaryahanka khadka dhexe uu doorbidayo inuu ku laabto Spain, isagoo ku riyoonaya inuu matalo Real Madrid ama Barcelona.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa 20 jeer u saftay Gli Azzurri Serie A xilli ciyaareedkan, isagoo u dhaliyay shan gool, seddexna caawiye ka ahaa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version