Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Wadahadallada Barcelona ee Lautaro Martinez oo hakad ku yimid

Wadahadallada Barcelona ee Lautaro Martinez oo hakad ku yimid

0

Himilo – Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa shaaciyay in ay hakad ku yimid wadahadallada kooxdiisa kula jirtay Inter Milan ee ku saabsan Lautaro Martinez.

 Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa dhawaan xaqiijiyay in Barcelona kamid tahay kooxaha xiiseynaya Lautaro Martinez kahor suuq furanka xagaaga.

Barcelona ayaa u aragta cayaaryahanka reer Argentine beddalka Luis Suarez iyada oo si weyn loola xiriiriyay laacibka bilihii ugu danbeeyay.

Marotta ayaa xusay in kooxo badan isha ku hayaan wararka ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka laakiin ninka madaxda ka ah Inter Milan ayaa ku kalsoon in Martinez uu sii joogi doono Talyaaniga illaa xagaaga.

Isaga oo la hadlyay Sky Sport Italia, Marotta ayaa ayaa yiri “kooxo badan ayaa diiradda saaraya  Lautaro Martinez, cid kasta way ogtahay taasi.”

Martinez ayaa dhaliyay 17 gool dhammaan tartamada oo idil.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version