Cudurka Ebola ayaa ku faafay galbeedka, bariga iyo bartamaha Africa, iyadoo la soo sheegayo inuu ka dheeraynayo dedaalada lagu xakamaynayo. Dawladda Nigeria ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka.
Waxaa kordhay walaaca la xiriira inuu cudurkan dilaaga ah ku fido qaaradda oo dhan. Xukuumadda Abuja ayaa sheegtay in cudurka laga helay haweeney safar uga timid dalka Uganda, taas oo hadda meel gaar ah lagu baxnaaninayo. Waxaa intaas dheer in la kormeerayo 44 qof oo xiriir la sameeyay.
Dhanka kale dawladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii sagaalaad ee cudurka Ebola. Bukaankan 24 jir ah ayaa la ogaaday inuu qaraabo dhaw la ahaa bukaankii ugu horreyay ee cudurka u dhintay shantii October sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.
Dalalka cudurka ilaa iyo hadda xaqiijiyay ayaa kala ah Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee DR Congo, Uganda, Kenya iyo Nigeria. Waxaa ilaa iyo hadda afartaas dal ugu dhintay cudurka 4,500 qof, halka uu ku dhacay 9,400 oo kale.
Nooca Fayruskan ma laha tallaal rasmi ah oo lagula tacaalo balse Jaamacadda Oxford iyo shirkadda Mareykanka ah ee Moderna ayaa ku hawlan horumarinta tallaal hadda ku jira tijaabo.
