Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Walaalo Jaamiciyiin ah iyo aabahood oo ka sheqeysta iibinta cuntooyinka fudud

Walaalo Jaamiciyiin ah iyo aabahood oo ka sheqeysta iibinta cuntooyinka fudud

0

Himilo – Nin Falastiini ah ayaa maciin biday inuu mashruuc isaga u gaar ah ka furo xeebta Deir al-Balah ee bartamaha Qaza, isaga oo ay weheliyaan afartiisa wiil oo jaamiciyiinta ah.

Axmed Salem Shoman wuxuu sheegay in shaqadiisa uu waayay sannad ka hor, ayna qasab noqotay inuu naftiisa iyo qoyskiisa u raadsado il-nololeed.

“Seddex wiil oo wiilashayda ka mid ah ayaa ka qalin -jabiyay jaamacad kan afraadna weli jaamacadda ayuu djhiganayaa, wax shaqo ahna ma haystaan, sidaa darteed fikraddan ayaa timid oo la ballaariyay si aan isugu kaalmayno duruufaha adag ee marinka Gaza”. Ayuu raaciyay Shoman hadalkiisa.

Mid ka mid ah wiilashiisa ayaa dib u eegay shahaadooyinkoodii iyo koorsooyinkii ay soo qaateen, haddana uma aysan suurta gelin in ay ka caawiso sidii ay shaqo ku heli lahaayeen.

Isla xaaladdaas, Musa Toman oo ah dhallinyaro, ka qalin -jabiyay qalabka elektaroonigga iyo dayactirka kombiyuutarka, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan fikradda aabbahood, gaar ahaan mar haddii dhammaan walaalihiis ay jaamacado ka soo baxeen oo aysan helin shaqo, si ay u masruufaan qoyskooda.

“Aad baan u jecelnahay muwaadiniinta, maxaa yeelay dhammaan qiimaheenna waxay ku habboon yihiin qof walba iyo xaaladda dhaqaale ee adag ee ay muwaadiniintu la il -daran yihiin, waana Ilaah mahadii inaan mar walba dareenno dadka sida ay noo dareemaan. ”

Axmed Salem oo ah aabaha wiilashan wuxuu ku taamayaa inuu sii hormariyo oo uu ballaariyo mashruucooda, si ay u soo jiitaan macaamiil aad u tiro badan, marka lagu daro shaqaalaysiinta tiro arday ah oo qalin jabisay oo aan awoodin inay shaqo ku helaan duruufaha dhaqaale ee ka jira marinka Qaza.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version