Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Wariye Xarun soo saarta Ciyaartooyda da’yarta ah ka furay Muqdisho,warbixin

Wariye Xarun soo saarta Ciyaartooyda da’yarta ah ka furay Muqdisho,warbixin

0

Magaalada Muqdisho waxaa 2018kii laga hirgeliyay akadeemiyaddii ugu horreysay ee Carruurta jecel Kubadda Cagta soo saarta.

Waxaa akadeemiyaddan sameeyay Wariye Aweys Xaaji Nuur, oo sida uu inoo sheegay yaraantiisii jeclaa Kubadda Cagta,waxaana hadda ku jira tiro Ciyaartooy mustaqbal fiican ka leh Kubadda Cagta.

Waxaa uu ilaa hadda ku guuleystay taratamo dhowr ah waxaa uu sidoo kale shaqsi ahaan helay tababarka FIFA,waxaana uu rajo ka qabaa in uu ku sii jiro Kubadda Cagta.

Aweys waxaa uu ka warramayaa waxa ku dhiirrageliyay sameynta Akadeemiyaddan iyo ilaa hadda da’da carruurta ay qabtaan.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version