Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Wasiir xilkeeda ku waysay gaari ay ku kaxeeysay caruurteeda

Wasiir xilkeeda ku waysay gaari ay ku kaxeeysay caruurteeda

0

Himilo – Mailis Reps, wasiirka waxbarashada dalka Estonia, ayaa xilkii iska casishay, kaddib markii lagu dhaleeceeyay in gaariga shaqada ay dugsiga u geysato caruurteeda.

“Waxaan wajahayay cadaadis xoogan oo ku aadan inaan kala sooco doorka Wasiir iyo kan hooyanimo. Waan qirtay waxaan sameeyay khalad waan waana raali galinayaa iyaga” ayey ku tiri 45-jirtaan haysata lixda caruurta ah qoraal ay soo dhigtay facebook.

Sida uu shaaciyay Ohtuleht tabloid, darawalkeeda haweeneydan ayaa marar dhawr jeer ah gaariga ay leedahay dowladda ay caruurteeda ku geeysatay kagana soo qaadatay iskuulka.

Waa laga aqbalay istiqaaladeeda waxaana lagu ammaanay marwadan sida ay u qiratay khaladkeeda isagana dhiibtay xilka, taas oo muujineysa muhiimadda ay u leedahay dadka reer Estonia dhawris ammaanada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version