Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Deegaan Wax ka ogow tuulada ku taalla Hindiya ee la arko hal jeer...

Wax ka ogow tuulada ku taalla Hindiya ee la arko hal jeer sannad kasta

0

Himilo FM – Tuulo ku taalla gobalka dhaca galbeedka Hindiya ee Goa ayaa la arkaa hal jeer sannad kasta iyadoo 11-ka billood ee kale qariyaan biyo.

Dadka asalka ah ee tuulada Curdi oo hadda deggan goobo kale ayaa isugu yimid halkii ay ku dhasheen intooda badan oo ah tuulada la arko hal jeer sannad kasta sida laga soo xigtay saxafiga deggan gobalka Goa ee Supriya Vohra.

Biyo-xereen ayaa laga sameeyay wabiga mara tuulada sannadkii 1986-dii, waxayna tani keentay in dadka deegaanka laga raro goobta iyadoo la siiyay magdhaw ku dhawaad 600 qoys.

Tan iyo sannadkii 1986-dii, biyaha biyo-xereenka ayaa qariyay tuulada iyadoo la arko keliya marka qulqulka biyaha hoos u dhacaan gaar ahaan xilliga abaarta.

Dhulka tuulada ayaa ahaa mid ku wanaagsan bacriminta, waxaa ku noolaa ku dhawaad 3,000 qofood.

Wasiirka gobalka Dayanand Bandodkar ayaa dhawaan booqday tuulada isaga oo xusay ahmiyadda biyo-xereenka u leeyahay gobalka Goa oo dhan.

“Waan ku weynay tuuladeenna hase ahaatee waxaan u sameynay wanaagga guud,” ayuu yiri Gajanan Kurdikar oo ah 75 jir la nool xusuusta tuulada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version