Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Wenger oo Jab-weyn ku tilmaamay tegista laacibka Oxlade-Chamberlain

Wenger oo Jab-weyn ku tilmaamay tegista laacibka Oxlade-Chamberlain

0

Muqdisho – Arsene Wenger ayaa aaminsan in tegitaanka Alex Oxlade-Chamberlain ay wax-yeelo weyn ku tahay Arsenal isaga oo ugu yeeray laacibkan inuu kusii nagaado garoonka Emirates Stadium.

Oxlade-Chamberlain ayaa ku sugnaa Arsenal taniyo sanadkii 2011 markii uu kaga soo biiray naadiga Southampton, hayeeshe heshiiskiisa ayaa ku eg dhamaadkan xagaaga xiga.

Wenger ayaa ku fududeyn luminta laacibkan 23-jirka ah kaas oo kamid ah ciyaartoyda Kieran Gibbs, Mesut Ozil, Aaron Ramsey iyo Alexis Sanchez kuwaas oo ay tahay inay heshiis galaan kahor intuusan dhicin heshiiska ay hadda ku jiraan oo gabagabo ah.

“Waxay shaqsiyan ila tahay in laacibkan uu laf-dhabar ah u yahay naadiga Arsenal,” Wenger ayaa u sheegay wariyayaasha. “Waxaan kusoo iibsannay da’yaraan. Waxaana aynu dhisnay xirfaddiisa, wuxuuna leeyahay tayo fiican.”

“Waan jeclahay hal-abuurkiisa; wuxuuna leeyahay maskax u furan kubadda cagta.”

“Dabcan waxaynu nagu tahay jab weyn inaan luminno.”

Dhawaqa macalin ee ah in laacibkani laf-dhabar u yahay naadiga, ayaa kusoo aadaya xilli uu 12 kulan oo kaliya ka saftay dhamaan kulamada ay kooxdu ka ciyaartay horyaalka gabagabada ku dhow ee England PL.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version