Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro West Brom iyo Aston Villa oo ka mid ah shan koox oo...

West Brom iyo Aston Villa oo ka mid ah shan koox oo lala xiriirinayo xiddig daafac ah

0
BIRMINGHAM, ENGLAND - SEPTEMBER 07: Coventry City's Sam McCallum during the Sky Bet League One match between Coventry City and Blackpool at St Andrews on September 7, 2019 in Birmingham, England. (Photo by Chris Vaughan - CameraSport via Getty Images)

Himilo- West Brom ayaa loo tixgaliyay inay xiiseynayaan daafaca dambeedka middig ee kooxda Coventry City Sam McCallum – laakiin keligood maahan.

Albion,Aston Villa, Leeds United, Nottingham Forest iyo Huddersfield Town ayaa dhamaantood loo aqoonsaday inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga reer Coventry City Sam McCallum.

Daafaca da’da yar McCallum, oo dhawaan 19 jirsaday, ayaa ku riyaaqay horumar weyn kooxda koowaad ee Sky Blues xilli ciyaareedkii hore laakiin wuxuu si joogta ah uga soo muuqday intii uu joogay Mark Robins xilli ciyaareedkan.

Wuxuu saxiixay qandaraas cusub bishii Maarso kaasoo soconaya ilaa xagaaga 2022, laakiin kooxaha ku jira qeybaha ka sareeya Coventry ayaa durbaba la filaayay inay ku jiraan kuwa doonaya  – oo ay ku jirto Albion.

Football Insider ayaa sheegaya in kooxda Baggies ay soo bandhigtay xiisihii ay u qabeen McCallum, kaasoo sideed jeer Ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan iyagoo aan laga badinin City isla markaana ku fadhiya meelaha sare ee League One.

Tiro kale oo kooxo ah ayaa ku jira ugaarsiga, hase yeeshe; Aston Villa, Leeds United, Nottingham Forest iyo Huddersfield Town dhamaantood waa lala xiriiriyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version