Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro West Ham United oo mudnaan siineysa heshiiska William Saliba

West Ham United oo mudnaan siineysa heshiiska William Saliba

0

Himilo – Kooxda West Ham United ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedka kowaad ka dhigatay daafaca kooxda Arsenal ee William Saliba ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

Inkastoo ay dhaawacyo soo gaareen Angelo Ogbonna iyo Kurt Zouma, West Ham ayaa ku guuldareysatay inay daafac dhexe cusub keento bishii Janaayo, taasoo niyad jab ku riday tababare David Moyes.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu qabo Jeunes Footeux, Hammers ayaa durba qorsheynaya xeeladdooda ka hor 2022-23 iyadoo Saliba uu ugu jiro liiskooda hore.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda ka dhisan Bariga London ay diyaar u tahay inay u soo bandhigto kooxda ay isku magaalada yihiin lacag dhan €30m (£25.31m) si ay heshiis u sameeyaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version