Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Wiil baraha bulshada isku beecinayay oo la xiray

Wiil baraha bulshada isku beecinayay oo la xiray

0

Himilo – Caliyu Na Idiris oo 26 sanno jir ah ayaa la dhigay xabsiga, kaddib markii uu ku shaaciyey Baraha Bulshada inuu yahay beec.

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay iney arrintani ay ka dhacdey gobolka Kanu, ee ka dhaca waqooyiga dalkaas.

Caliyu Na Idiris, ayaa ku dhex wareegayey magaalada, isagoo wata boor uu isku beecinayo, oo uu cinwaan uga soo dhigay, “Ninkan waa beec”, qiimaha uu isku beecinaayay ayaa gaarayay $25,000. Waxa uuna baakadda kartoon ah ku qoray taleefankiisa, si loogala xiriiro.

Waxaa uu sheegay iney heysato xaalad  dhaqaale oo adag, isagoo markaa tilmaamey inaanu laheyn ikhtiyaar aan aheyn inuu naftiisa iibiyo. Wuxuu carrabka ku dhuftey iney jiraan dad u soo gudbiyey qiimo gaaraya $20,000, balse uu iska diiday.

Taliyaha ciidanka ku shaqeeya nidaamka Islaamiga, Sheekh Harun Ibnu Sina, ayaa sheegay in Islaamku aanu oggoleyn in qofku is beeciyo. Islamarkaana falka uu sameeyay wiilkan uu yahay mid mamnuuc ah, taas oo keentay in xabsiga loo dhaadhiciyo.

Ninkan ayaa hore u ahaa dawaarle, balse arrintan uu sameeyay ayaa dad badani layaab ku noqotay, kuwaas oo ay qaarkood u maleynayaan in uu caanimo ku raadinaayo, halka qaar kalena ay ba leeyihiin waa ka dhab.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version