Home Cayaaro Willian oo daneynaya in uu sii joogo Chelsea

Willian oo daneynaya in uu sii joogo Chelsea

0

Himilo – Willian ayaa la soo warinayaa in uu mudnaanta siinayo qandaraas cusub oo uu qalinka ugu duugo Chelsea halkii uu ku biiri lahaa kooxda Barcelona oo ku dooneysa heshiis xur ah.

Iyada oo uu dhacayo qandaraaska laacibka xagaaga, Willian iyo wakiiladiisa ayaa isku dayaya inay heshiis cusub la gaaraan Chelsea.

Si kasta, dhinacyada ma aysan gaarin heshiis taasi oo ka dhigan inay wali u furan tahay laacibka reer Brazil in uu ka tagi karo garoonka Stamford Bridge dhammaadka ol-olahan.

Inkasta oo Barcelona xiiseynayso saxiixa cayaaryahanka haddana ESPN ayaa sheegaysa in 31 jirka uu diiradda saarayo in uu dheereeyo heshiiskiisa Chelsea.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Willian- oo doonaya heshiis seddex sanno ah- in qoyskiisa ku nool yihiin caasimadda London muddo lix sanno iyo bar ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version