Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Xavi sidee ayuu u arkaa bandhigga Robert Lewandowski?

Xavi sidee ayuu u arkaa bandhigga Robert Lewandowski?

0

Himilo – Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka walaacsanayn gaabiska uu Robert Lewandowski ku bilowday waayihiisa kooxda Catalan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa dhalin wax gool ah saddexdii kulan  ee uu u saftay Barcelona intii ay ku guda jireen safarkooda ciyaaraha saaxiibtinimo ee Mareykanka.

Xavi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay kooxdiisu u soo bandhigtay ciyaarihii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa horay u sameysay shan saxiix inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga, iyadoo la soo wareegtay Andreas Christensen, Franck Kessie, Raphinha, Lewandowski iyo Jules Kounde.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa weli lala xiriirinayaa labada ciyaaryahan ee Chelsea Cesar Azpilicueta iyo Marcos Alonso, wuxuuna Xavi sheegay in ciyaartoy cusub ay imaan karaan ka hor inta uusan xirmin suuqan.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version