Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Xiddig ay leedahay Bayern Munich oo ay isku hayaan Real Madrid...

Xiddig ay leedahay Bayern Munich oo ay isku hayaan Real Madrid iyo Barcelona

0

Himilo- Real Madrid iyo Barcelona ayaa u aqoonsadeen da ‘yarka kooxda Bayern Munich Joshua Zirkzee inuu yahay bartilmaameedka mustaqbalka.

In kasta oo ay labada naadiba horayba ugu jireen kobcinta ciyaartoyda  da ’yarta ah kooxda koowaad.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spain, Zirkzee ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ay bartilmaameedsadaan, iyadoo 18-sano jirkaasi uu door muhiim ah ka qaatay kooxda waa weyn ee Bayern.

Labadii kulan ee uu bedel ku soo galay isbuucyadii dhawaa, 18 jirka ayaa dhaliyay goolal muhim ah Bundesliga isagoo ka hor yimid Freiburg iyo Wolfsburg.

Waa  kursiga keydka looga yeeray kulankii Tottenham Hotspur ee Champions League, waxaa jira  rabitaan ah maamulaha Bayern ee Hansi Flick inuu sii haysto da ‘yarka.

Xidiga reer Holland ayaa qandaraaskiisa seddex sano iyo bar uga harsan yahay, taasoo ka dhigeysa in labada koox ee La Liga inay yihiin kuwa banaanka ah si ay u tijaabiyaan Bayern inay iibiso.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version