Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Xiddiga Paul Pogba oo ogolaaday heshiis 429 milyan oo ginni isbuucii ah

Xiddiga Paul Pogba oo ogolaaday heshiis 429 milyan oo ginni isbuucii ah

0

Himilo- Xiddiga qadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhawaa inuu ku biiro Paris Saint-Germain horaantii xagaagan.

Kadib markii uu muujiyey inuu doonayo inuu tartan cusub  galo bisha June, Pogba waxaa si joogto ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo midkood Real Madrid ama Juventus ka hor inta uusan ugu dambeyntii sii joogin Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Calciomercato, 26 jirka ayaa ku dhowaad lala xiriirinayay PSG maalmihii  ugu danbeeyay ee dhamaadka suuqa kala iibsiga.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Neymar  sii joogistiisa Parc des Princes uu ka hor istaagay kooxda heysata Ligue 1 inay lasoo wareegto ninka  hantiyay Koobka Adduunka.

Xiddiga reer France ayaa lagu eedeeyay inuu ogolaaday heshiis dhan 429 kun ginni isbuucii, tiradaas oo suurta gal aheyd kaliya hadii Neymar uu  aado midkood Barcelona ama Real.

In kasta oo uu nagi kusii ahaanayo United illaa 2022, Pogba waxaa mar kale la rajeynayaa in lala xiriiriyo inuu ka tagayo kooxda ka ciyaarta Premier League bisha Janaayo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version