Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 Xirashada Af-saabka qoyan oo laga digayo

Xirashada Af-saabka qoyan oo laga digayo

0

Himilo – Koox Seynisyahano ah ayaa qaba in Af-saabka uusan waxtar lahayn xilli roobaadka, iyaga oo ka digaya isticmaalkiisa.

Biyaha roobka ayaa xakameeya hawada uu heli lahaa ruuxa xiran Af-saabka, taas oo hoos u dhigta heerka kala sifeynta hawada.

Karol Sikora, oo horey kaga tirsanaa barnaamijka Kansarka ee WHO, ayaa u sheegay The Times in dhammaan noocyada waji-saabyadu u nugul yihiin cimilada qoyan.

“Waxaan u maleynayo bulshada gabi ahaan waxeysan heynin macluumaadyada la xiriira arrinkaasi, mas’uuliyiintu waxey tahay inay talo cad ay siiyaan dadweynaha,” ayuu yiri Sikora.

Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO oo xoojisay digniintaasi ayaa kugula talineysa inaad iska badesho Af-saabka haddii uu kaa qoyo amaba ay wasaqi kaa gaarto.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version