Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Xulka Galmudug oo gaaray fiinaalka tartanka Maamul Goboleedyada & G.Banaadir

Xulka Galmudug oo gaaray fiinaalka tartanka Maamul Goboleedyada & G.Banaadir

0

Himilo – Xulka kubbadda cagta Galmudug ayaa gaaray fiinaalka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir markii labaad kaddib markii ay gool-kulaadyo kaga adkaadeen xulka difaacanayo tartanka Gobolka  Banaadir. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan labada xuk waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed awood ahaan garbo siman, inkastoo ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac kuwaasi oo noqon gool taas oo keentay in lagu kala

baxo 0-0, 90-ka daqiiqo ee ciyaarta. Garsoore Cabdifitaax Saciid Mire  oo ahaa garsooraha dhexe ee kualnkan ayaa bixiyay labo kaar oo kaararka digniinta waxaana labo ka mid ah la siiyay

xiddigaha gobolka banaadir  ciyaartoyda kala ah lambarka 19-aad  Saadaam Abuukar Muuse daqiiqadii 45+, iyo lamabarka 12-aad Cumar Axmed Kamal daqiiqadii 65-aad iyo halka Galmudug  la siiyay kaarka casaanka macalin ku xigeenka Daa’uud Tubaal. Ugu dambeyntii labada xul ayaa lagu kala saaray gool-kulaadyo waxaana 5-4 ku adkaatay xulka Galmudug oo markii labaad taariikhda iska xaadirisay fiinaalka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir iyagoo la ciyaari doono xulka Hirshabeelle.

 

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version