Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 Yurub oo heshiis la xiriira tallaalka Covid-19 la gashay Moderna

Yurub oo heshiis la xiriira tallaalka Covid-19 la gashay Moderna

0

Himilo – Midowga Yurub ayaa heshiis la gaaray shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Moderna, taas oo ka mid ah shirkadaha soo saaray tallaalka cudurka Covid-19, sida ay shaacisay madaxa golaha sare ee Midowga.

“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inaan ansixin doono heshiiska cusub ee tallaalka Covid-19, kaas oo inoo ogolaanaya inaan soo iibsano in ka badan 160-milyan oo dose oo ah tallaalka ay soo saartay Moderna” ayey tiri Ursula von der Leyen.

Sida ay daabacday Reuters waa heshiiskii lixaad oo ururka midowga Yurub uu kala xaajoodo shirkadaha sameeynaya tallaalka looga hortagayo feyruska dilaagga ah coronavirus.

Moderna oo ku jirta tartanka suuqa tallaalka Covid-19, ayaa shaacisay todobaadkii hore in tijaabo ay sameeysay ku ogaatay in 90% tallaalka ay sameysay inuu waxtar leeyahay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version