Home Cayaaro Zidane: Real Madrid waa kooxda ugu muhiimsan taariikhda

Zidane: Real Madrid waa kooxda ugu muhiimsan taariikhda

0

Himilo – Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay in kooxdiisa tahay tan ugu muhiimsan taariikhda xilli Los Blancos ku dhawdahay inay xaqiijiso horyaalka La Liga 2019-20.

Real Madrid ayaa afar dhibcood oo nadiif ah ka sarreysa kooxda ku dhaw ee la tartameysa Barcelona si ay u xaqiijiyaan horyaalkii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 2017-ka.

Si kasta, seddex kamid ah afartii kulan ee Real Madrid guuleysatay waxay ku badisay 1-0, halka seddex kamid ah afartii gool oo ay dhalisay ahaayeen rigoore laakiin Zidane ayaa laalay dhalleeceynta loo jeediyay kooxdiisa.

Zidane ayaa xusay in qof kasta leeyahay aragtidiisa gaarka ah balse keliya waajib ku tahay inay muujiyaan sida ay u yihiin koox wanaagsan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version