Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Zlatan Ibrahimovic oo qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo AC Milan

Zlatan Ibrahimovic oo qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo AC Milan

0

Himilo – Agaasimaha AC Milan Paolo Maldini ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay kala xaajoonayso Zlatan Ibrahimovic heshiis kordhin.

40-sano jirkaan ayaa sii wada inuu shabaqa soo taabto Rossoneri sannadihiisii dahabiga ahaa, waxaana uu diiwangeliyay siddeed gool iyo labo caawin 15 kulan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Ibrahimovic ee San Siro ayaa ku eg xagaagan, laakiin Maldini ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Sweden uu weli sii joogi karo ilaa 2023.

Waxaan kala hadlaynaa Zlatan. Qorshahiisa waa inuu sii wato xilli ciyaareed kale laakiin Ibrahimovic waligii dhib naguma noqon doono – isaga ayay ku xiran tahay,” Maldini ayaa u sheegay DAZN

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version