Himilo – Warbixin cusub oo ay soo saartay Henley ayaa shaacisay dalalka Afrika ee leh baasaboorrada ugu awoodda badan sannadka 2026.
Qiimeyntan ayaa lagu cabbiraa tirada dalalka uu muwaadinku geli karo isaga oo aan hore fiiso u dalban. Baasaboorka awoodda badan ayaa loo arkaa inuu ka tarjumayo xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan, xasillooni dhaqaale, kalsooni amni iyo saameyn caalami ah oo uu dalkaas leeyahay.
Sida ay warbixintu xustay, baasaboorka xooggan wuxuu fududeeyaa safarrada caalamiga ah, wuxuu kobciyaa fursadaha ganacsi iyo waxbarasho, dhiirrigeliyaa maalgashiga iyo dalxiiska, isla markaana sare u qaadaa sumcadda dalka.
10-ka Dal ee Afrika ugu Baasaboorrada Xooggan 2026:
- Seychelles – Kaalinta 22-aad ee caalamka, 154 dal ayaa fiiso la’aan lagu geli karaa.
- Mauritius – Kaalinta 25-aad, 147 dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa.
- South Africa – Kaalinta 46-aad, 100 dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa.
- Botswana – Kaalinta 56-aad, 81 dal ayaa fiiso la’aan lagu geli karaa.
- Namibia – Kaalinta 61-aad, 74 dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa.
- Lesotho – Kaalinta 62-aad, 73 dal ayaa lagu geli karaa fiiso la’aan .
- Morocco – Kaalinta 63-aad, 71 dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa.
- Eswatini – Kaalinta 63-aad, 71 dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa.
- Malawi – Kaalinta 64-aad, 70 dal ayaa fiiso la’aan lagu geli karaa.
- Kenya – Kaalinta 65-aad, 69 dal ayaa fiiso la’aan lagu tagi karaa.
Kenya ayaa noqotay dalka keliya ee Bariga Afrika ku jira tobanka dal ee ugu sarreeya Afrika sannadkan.
