Himilo – Warbixin kooban oo la daabacay maanta ayaa muujinaysa in Maraykanka iyo Iiraan ay aad ugu dhow yihiin heshiis lagu soo afjarayo colaadda socotay tan iyo bishii Febraayo, iyadoo saraakiil Maraykan ah ay sheegeen in wada-hadalladu marayaan heerkii ugu dambeeyay.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska la filayo in la saxiixo maalmaha soo socda, islamarkaana uu ku jiri doono joojinta barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iiraan, baabi’inta uranium-ka la hodmiyey iyo fududeynta cunaqabataynta haddii Tehran ay fuliso waajibaadkeeda. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa isaguna sheegay in heshiisku soo afjari doono colaadaha ka socda dhowr jiho, isla markaana uu gogol xaar u noqon doono xal waara oo ku saabsan arrimaha nukliyeerka, cunaqabataynta iyo amniga gobolka.
Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in duqayn uu Maraykanku fuliyey lagu dilay Hector Guerrero Flores, hoggaamiyihii kooxda dambiyada Venezuela ee Tren de Aragua.
Geesta kale, Magaalada London waxaa lagu xiray ugu yaraan 72 qof intii lagu guda jiray dibadbax lagu taageerayay xubno ka tirsan kooxda Palestine Action, xilli maxkamad ay socotay. Booliiska ayaa sheegay in dadkaasi loo xiray taageeridda urur mamnuuc ah.
Warar Kale oo Muhiim ah
- Trump ayaa ku tilmaamay hadaladii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan kuwo “aad u wanaagsan”, isagoo sheegay in heshiis la gaari karo dhammaadka toddobaadka ama Isniinta.
- Afar diyaaradood oo nooca C-17 ah ayaa qalab u qaaday Yurub, iyadoo la filayo in Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka JD Vance uu ka qayb galo munaasabad lagu saxiixayo heshiiska Maraykanka iyo Iiraan.
- Tirada dhimashada dhulgariirkii xoogga badnaa ee ka dhacay koonfurta Filibiin ayaa gaartay 55 qof, halka kumannaan kalena ay barakaceen.
- NATO ayaa qorshaynaysa inay si tartiib ah u dhinto ciidamadeeda nabad ilaalinta ee Kosovo.
- Qiimaha gaaska dabiiciga ah ee Yurub ayaa hoos u dhacay in ka badan 5%, kadib rajo laga muujiyey heshiiska Maraykanka iyo Iiraan.
- Hooyo u dhalatay Kanada ayaa dacwad ka dhan ah u gudbisay shirkadda OpenAI iyo maamulaheeda Sam Altman, iyadoo ku eedaysay ChatGPT inuu dhiirrigeliyey is-dil ay gabadheedu samaysay.
- Ciidamada Israa’iil ayaa sii waday duqaymaha ay ka geysanayaan koonfurta Lubnaan inkastoo ay jirto xabbad-joojin uu Maraykanku dhexdhexaadiyey.
- Hindiya ayaa mar kale u yeertay diblomaasi Maraykan ah si ay uga cabato weerarrada maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
- Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Pakistan ayaa lagu dilay hal qof, toddobo kalena dhaawacay.
- Midowga Yurub ayaa sheegay in rabshadaha Daanta Galbeed iyo ballaarinta degsiimooyinka Israa’iil ay yihiin arrin mudnaan gaar ah leh.
- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in colaadaha gobolka ay dhibaato dhaqaale oo culus ay ku hayaan Bariga Dhexe.
- Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in cudurka Ebola ee Bariga Congo uu gaaray 676 kiis iyo 136 dhimasho.
- Kanada ayaa ku dhawaaqday gargaar bani’aadamnimo oo cusub oo dhan 100 milyan oo doolar oo loogu talagalay Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed.
- Taliska Dhexe ee maraynka (CENTCOM) ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarado aan duuliye lahayn oo Iiraan leedahay kuwaas oo bartilmaameedsanayey maraakiibta ganacsiga ee marinka Hormuz.
Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Suuqyada saamiyada Maraykanka ayaa kor u kacay Jimcihii, iyadoo rajada heshiiska Maraykanka iyo Iiraan iyo gelitaanka shirkadda SpaceX ee suuqa Nasdaq ay sare u qaadeen kalsoonida maalgashadayaasha. Dow Jones ayaa kordhay 0.7%, S&P 500 wuxuu kacay 0.5%, halka Nasdaq uu kor u kacay 0.31%.
Sidoo kale, shirkadda Japan ee soo saarta qalabka xusuusta elektarooniga ah ee Kioxia ayaa noqotay shirkadda ugu qiimaha badan Japan marka loo eego suuq-geynta, iyadoo dhaaftay shirkadda Toyota. Kororkaasi waxaa horseeday baahida sii kordheysa ee tiknoolajiyada garaad gacmeedka (AI) iyo qalabka xarumaha xogta.
