Home Caafimaad Ebola oo ku fidaya deegaanno cusub oo ka tirsan DR Congo

Ebola oo ku fidaya deegaanno cusub oo ka tirsan DR Congo

0

Himilo – Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digay in cudurka Ebola uu ku sii fidayo deegaanno cusub oo ku yaalla waqooyi-bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo baaxadda faafitaankiisu ay ka weyn tahay tii hore loo ogaaday.

WHO ayaa sheegtay in tan iyo markii cudurka si rasmi ah loo shaaciyay 15-kii May la diiwaangeliyay 700 kiis oo la xaqiijiyay, kuwaas oo ay ku dhinteen 149 qof, halka 119 kiis oo kale laga shakisan yahay. Sidoo kale, 32 bukaan ayaa ka bogsaday cudurka.

Faafitaanka cudurka ayaa inta badan ka jira gobolka Ituri, balse kiisaska kale ayaa helay gobollada Waqooyiga Kivu iyo Koonfurta Kivu. Khubaradu waxay sheegeen in maalin kasta laga helayo kiisas cusub, taasoo muujinaysa baaxadda weyn ee cudurka iyo dhaqdhaqaaqa badan ee dadka.

Mas’uul ka tirsan WHO, ayaa sheegay in markii hore kiisaska cusub lala xiriirin jiray safarro ka yimid meelaha cudurku ku badnaa, balse hadda la arkayo faafin toos ah oo bulshada dhexdeeda ah oo ka socota deegaanno cusub.

WHO waxay sidoo kale sheegtay in raadraaca dadka la kulmay bukaanada Ebola uu kor u kacay, balse uu weli ka hooseeyo heerkii loo baahan yahay si cudurka loo xakameeyo. Waxaa hadda si sax ah loo dabagalayaa wax yar ka badan 70% dadka lala xiriiriyay bukaannada.

Dhanka kale, hay’addu waxay ka digtay in awoodda xarumaha karantiilka aysan ku filnayn xaaladda sii xumaanaysa. Gobollada uu cudurku saameeyay waxaa hadda yaalla 250 sariirood oo karantiil ah, balse WHO waxay sheegtay in tiradaas aysan dabooli karin baahida sii kordheysa, loona baahan yahay in si degdeg ah loo kordhiyo.

Waxaa xusid mudan in cudurkan uu ka dhashay nooca dhifka ah ee Bundibugyo Ebola, kaas oo aan weli loo helin tallaal ama dawo si rasmi ah loo ansixiyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version