Home Macluumaad Nin u dhashay Nepal oo gacmahiisa uga degay 100 jaranjaro, kuna dhigay...

Nin u dhashay Nepal oo gacmahiisa uga degay 100 jaranjaro, kuna dhigay rikoor cusub

0

Himilo – Hari Chandra Giri, oo ah ciyaaryahan u dhashay Nepal isla markaana haysta dhowr rikoor oo Guinness World Records ah, ayaa dhigay rikoor cusub kadib markii uu 100 jaranjaro gacmahii uga degay muddo 44.71 ilbiriqsi ah.

Ninkan oo 31 jir ah ayaa rikoodhkan ka sameeyay magaalada Yunyang ee Chongqing, Shiinaha, isagoo noqday qofka ugu dhaqsaha badan ee 100 jaranjaro uga soo dhaadhaca gacmahiisa si degdeg marka loo eego dadkii horey isugu dayay.

Hari ayaa sheegay in hadafkiisu ahaa inuu muujiyo in socodka gacmaha lagu sameeyo uu noqon karo mid sax ah, degdeg ah isla markaana ammaan ah, inkastoo jaranjaradu ay ka adag tahay dhulka siman sababo la xiriira xagasha iyo culayska saameeya jirka.

Wuxuu xusay in isku daygani uu ahaa mid khatar badan leh, maadaama dhicitaan ka yimaada 100 jaranjaro uu sababi karo dhaawac halis ah oo madaxa, qoorta ama laf-dhabarta gaara. Sidaas darteed ayuu sheegay inuu adeegsaday koox badbaado oo socodkiisa kor kala socday iyo diyaargarow gaar ah kahor isku dayga.

Ninkan ayaa hore u haystay rikoorro kale oo Guinness ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Inuu 50 jaranjaro gacmaha uga dego 12.65 ilbiriqsi.
  • Inuu 10 mitir gacmaha ku socdo isagoo kubbad cagta ah lugaha ku haya 4.49 ilbiriqsi.
  • Inuu 50 mitir sidaas oo kale ku socdo 25.58 ilbiriqsi.
  • Inuu 75 jaranjaro gacmaha ku dego 25.03 ilbiriqsi.
  • Inuu 24 ilbiriqsi uu ku cabbay 500 ml oo liin dhanaan ah isaga oo gamcaha ku taagan Iyo kuwo kale

Rikoodhkan cusub ayaa sii xoojiyay sumcadda Hari Chandra Giri oo ka mid ah dadka ugu caansan dunida ee ku takhasusay xirfadaha socodka iyo dheellitirka gacmaha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version