Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Lammaane go’aansaday inay ku noolaadaan keligood tuulo laga guuray

Lammaane go’aansaday inay ku noolaadaan keligood tuulo laga guuray

0

Himilo -Ka hor dagaalkii sokeeye ee Spain magaalo buureedka  La Estrella waxay aheyd xaafad yar oo tiro ahaan 200 oo ruux ay ku noolaayeen.

Kaddib dagaalkii sokeeye ee dalkaa ka dhacay oo soo idlaaday 1939, dad badan ayaa isaga tegay xaafaddaa si ay magaalooyinka uga soo xoogsadaan oo uga shaqeystaan, si lamid ah xaafado kale oo badan oo Spain ku yaal.

Juan Martín Colomer iyo xaaskiisa Sinforosa ayaase ah lamaanaha keliya ee ku nool La Estrella iyagoo keli ku ahaa xaafaddaa labaatameeyo sano kaddib geeridii gabadhoodii.

Le Estrella markii la macneeyo waa Xiddig, waana magaalo yar oo buuraley ah oo u dhow magaaladda Valencia ee dhacda bariga Spain.

Sinforosa Colomer oo ah haweeneyda u dhaxda Martin ayaa sheegtay in xaafaddaa ay ku dhalatay, ayna dooneyn inay kol qura ka tagto oo sameyso sidii ay sameeyeen dadkii xaafaddaa ku dhaqnaa.

Lamaanahaan oo weheshada xayawaanaadka dab joogta ah ayaa Le Estrella ku noolaa inkabadan 45 sanadood.

Martin iyo Sinforosa oo da’dooda lagu kala sheegay 82 iyo 79 sano ayaa xanaaneysta tiro bisado ah iyo hal digaagad.

Le Estrella ayaana mar lahaan jirtay Maareeye, Saldhig boolis, Macallimiin iyo Labo bas oo gaadiidka dadweynaha ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version