Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Haweeneyda Soomaaliyeed ee Igiriiska ka noqotay halyeey

Haweeneyda Soomaaliyeed ee Igiriiska ka noqotay halyeey

0

Himilo – Waxay dalka Ingiriiska soo gashay iyadoo magangalyo doon ah, sidatana hal boorso oo culeyskeedu yahay 10-kg iyo laba carruur ah oo ay gacanta haysay. Balse maanta, Asha Rage magaceedu kuma koobna kaliya liiska qaxootiga, ee waa halyey qaran oo dhiirrigelin u ah guud ahaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga iyo dadka deegaanka Birmingham.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hoolka Weyn ee Jaamacadda Birmingham, ayaa Asha Rage lagu guddoonsiiyey abaalmarinta caanka ah ee Pride of Birmingham, gaar ahaan qaybta Halyeyga Bulshada. Abaalmarintan ayaa loogu aqoonsaday dadaalkeedii hagar la’aaneed ee ay ku beddeshay nolosha boqolaal dhallinyaro ah oo ku sugnaa xaalado adag.

Asha, oo sanadkii 2016-kii asastay kooxda Dream Chasers FC, ayaan kaliya bari jirin dhallinyarada xirfadda kubbadda cagta, balse u isticmaashay isboortiga hab ay kaga weeciso jidka qaldan iyo dambiyada. Kooxdan oo ay hadda ku mideysan yihiin in ka badan 160 dhallinyaro ah, ayaa noqotay xarun lagu dhiso mustaqbalka, laguna barto wada-jirka bulshada.

Ma aha kaliya Tababare, in Asha Rage loo aqoonsado halyeyga bulshada ee waa doorka ay ka qaadatay xallinta dhibaatooyinka asaasiga ah ee dadka deegaanka:

Waxay horseedday barnaamij lagu dhisayo xiriir toos ah oo u dhexeeya dhallinyarada iyo ciidamada amniga, taas oo dhalisay jawi nabad iyo is-aaminaad ku dheehan tahay.

Asha,waxay garab istaag u fidisaa waalidiinta soo galootiga ah, iyadoo u fududaysa barashada afka Ingiriiska si ay ula qabsadaan nolosha cusub.

Markay nolosha Birmingham ku adkaatay dad badan, Asha waxay u istaagtay sidii ay u gaarsiin lahayd gargaar bini-aadantinimo iyo raashin qoysaska nugul, iyadoo muujisay in kooxdeedu tahay hoy loogu soo hagaago baahida taagan.

Markii ay masraxa timid, iyadoo indhaheedu ilmo ka da’ayo, Asha waxay la wadaagtay dadkii goobta joogay weedho ay ku xardhan tahay murtida Soomaaliyeed iyo dhabar-adaygga.

Xiddigaha kooxda Aston Villa, sida John McGinn iyo Hannah Hampton, iyo kabtankii caanka ahaa ee Birmingham City, Troy Deeney, ayaa dhammaantood ku tilmaamay Asha qof “jabisay gidaaradii dhaqanka” una horseeday gabdhaha Muslimiinta ah inay ku dhiirradaan ka qaybgalka ciyaaraha.

Asha Rage ma ahan kaliya tababare kubbadda cagta ah; waa astaan muujinaysa in dadaalka iyo niyad-samidu ay qofka gaarsiin karaan meesha ugu sarreysa, iyadoo tusaale u noqotay in qof kasta uu isbeddel haminaaya, waana  tusaale nool oo muujinaya in qaxootinimadu aysan ahayn dhammaad, balse ay tahay bilowga guul iyo isbeddel bulsho.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version