Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Aabaha Gool-hayaha Liverpool Alisson Becker oo maydkiisa la helay

Aabaha Gool-hayaha Liverpool Alisson Becker oo maydkiisa la helay

0

Himilo – Ciyaaryahanka reer Brazil kooxdiisii hore ee Internacional ayaa xaqiijisay geerida aabaha dhalay ciyaaryahanka, Jose Agostinho Becker.

Internacional ayaa xaqiijisay in aabaha goolhayaha Liverpool Alisson Becker uu dhintay ka dib markii uu shil ku galay haro biyood.

Warka ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee kooxda reer Brazil ee Twitter-ka subaxnimadii hore ee Khamiistan.

ESPN Brasil waxay soo werisay in, ka dib markii ay la tashadeen Waaxda Dabka ee Cacapava do Sul iyo Booliska Madaniga ah ee Lavras do Sul, in la helay maydka Alisson aabihiis oo 57 jir ah ka dib markii la soo wariyay in la la’ yahay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in boliiska maxalliga ah ay xaqiijiyeen in Jose Agostinho Becker uu dhintay ka dib markii uu ku dabbaalanayay haro u dhow gurigiisa fasaxa ee koonfurta Brazil.

Iyagoo ku muujinaya sida ay uga xun yihiin wararkaas, Internacional waxay ku qoreen boggooda rasmiga ah ee Twitter saacadihii hore ee subaxnimadii Khamiista: “Waa murugo weyn inaan helnay warka dhimashada Jose Agostinho Becker, aabihii goolhayayaasheenii hore Alisson iyo Muriel.

Alisson wuxuu xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Internacional, wuxuu u ciyaaray kooxda reer Brazil 115 jeer ka hor inta uusan u dhaqaaqin Roma 2016.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version